HomeWarkiiKhasaare ka dhashay rasaas ay ciidamada Dowladu ku fureen gaari shacab

Khasaare ka dhashay rasaas ay ciidamada Dowladu ku fureen gaari shacab

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska Somalia rasaas ku fureen gaari shacab oo xamar ku soo socday .

Gaarigaan ayaa la soo sheegayaa inay ciidamadu weydiisteen lacag baad ah gaar ahaan kuwa koontarolka afgooye ku sugan balse markii uu ka dhaga adeygay ay rasaas hoos ugu dhigeen.

Inta la ogyahay ilaa 3 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta kuwaasoo hore loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Lacagta shacabaasi u dhibaatoobeen ayaa la soo sheegayaa inay tahay 50kun shilin Somalia oo u dhiganta 2 doolar.

Saraakiisha Taliska Booliiska Afgooye wali kama hadlin balse waxaa lagu wadaa inay war ka soo saaraan xili dhawaa ay shaaciyeen qofkii qof dila in isla bartiisa lagu toogto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -