KWARA (DAYNIILE.COM)-Kooxo cusub oo ah Koox diimeed ayaa ka soo caan-baxday magaalooyinka Kaiama iyo Baruten ee Ismaamulka Gobolka Kwara ee Dalka Nigeria.
Kooxdaan jihaad doonka ah ee cusub waxay la baxeen Maxamuuda kuwaasoo hada dar dar ku socda iyagoona bilaabay inay maamulaan oo dadka xukumaan marka la eego magaalooyinka ay hada ka aas ‘aasmeen.
Sida ay sheegtay idaacada BBC kooxdaan ayaa gabaad ka dhigteen Beerta Qaranka ee harada Kainji, halkaasoo ay ka wadaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka ku teedsan beerta iyo xitaa deegaano kale oo ka tirsan gobolka Niger.
Kooxdaan waxaa la soo sheegaya inay meelaha ay joogaan dadna xireen dadna xukumeen islamarkaana ay si cabsi la’aan ah isaga mushaaxayaan magaaooyinkaasi ay gacanta ku hayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM