
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxda Mad-bacadda FC oo ka mid ah kooxaha heerka 1-aad ee kubada cagta Somali National League ayaa maanta ceeb iyo fadeexad kala hooyatay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho kadib markii darsin goolal ah looga adkaaday.
Kooxda Hogaanka heysa ee Muqdisho ama MCC ayaa 10-0 kaga adkaatay kooxdaan Madbacada kadib kulan ka mid ah waliba ugu dambeeya horyaalka Somali National League.
Kooxda MCC hadii ay hal kulan kale badiso waxay u dabaal degi doonaan tartanka Somali National League madaama ay dhibco sare ku heyso horyaalka islamarkaana kulamo yar ay ka harsan yihiin dhamaadka tartanka.
Ciyaaryahanka C/qaadir Aadan Eenoow (Benteke) oo ka tirsan kooxda MCC ayaa dhaliyay 6 ka mid ah goolasha 10-ka ah ee looga badiyay kooxda Mad-bacada FC.
Ciyaaryahan Beneteka ayaa tartanka gool-dhalinta wuxuu ku qabtay 19 gool xili kulankaan ka hor uu lahaa 13 gool oo kaliya.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM









