Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil oo Kulan Gaar ah La Qaatay Madaxa GFF/World Bank.
Cape Town-Koonfur Afrika 7, May 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Guuleed Cabdijaliil, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa Sanduuqa Maalgashiga Caafimaadka Adduunka (Global Financing Facility – GFF) ee Bangiga Adduunka, Luc Laviolette, waxa ayna kulankooda diiradda ku saareen sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalka iyo Mashaariicda Bangiga uu ka wado dalka.
Kulankan, oo ka dhacay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu gorfeeyey muhiimadda ay leedahay helitaanka nidaam caafimaad oo waara, ku saleysan horumarinta adeegyada aasaasiga ah, iyo sidii loo dhisi lahaa hay’ado caafimaad oo xooggan oo dabooli kara baahiyaha shacabka Soomaaliyeed. Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa uga mahadceliyey GFF/World Bank taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan Mashruuca Damal Caafimaad ko muhiim u ah horumarinta Caafimaadka iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa si qoto dheer ugala hadlay Luc Laviolette ahmiyadda ay leedahay in la ballaariyo barnaamijyada caafimaadka, gaar ahaan Mashruuca Damal Caafimaad isaga oo ka codsadey in loo sameeyo mudo kordhin si loo sii ballaariyo adeegyada uu bixiyo Mashruuca ee ay ka faa’ideystaan bulsho waynta Soomaaliyeed.
Madaxa GFF/World Bank, mudane Luc Laviolette, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Bangiga Adduunka uu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga qotoda dheer ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada dhaqaale ee lagu horumarinayo barnaamijyada caafimaadka, gaar ahaan Mashruuca Damal Caafimaad oo ah Mashruuc halbowle u ah adeeg bixinta Caafimaadka.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham buuxa oo ku saabsan dariiqa loo marayo horumarinta nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya. Labada dhinac waxay isla garteen in la dedejiyo hirgelinta mashaariicda muhiimka ah, lana hubiyo in taageerada dhaqaale iyo farsamo ee la helayo ay si buuxda uga tarjumeyso baahiyaha dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka noocan ah ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta caafimaadka iyo sidii ay u heli lahaayeen bulshadeedu adeegyo caafimaad oo tayo leh. Sidoo kale, waxay caddeyneysaa taageerada joogtada ah ee hay’adaha caalamiga ah u hayaan horumarinta caafimaadka Soomaaliya.












