Magaalada Mombasa ayaa lagu soo gabagabeeyay shir wadatashi ah oo u dhaxeeyay danjireyaasha waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay magaalooyinka Nairobi iyo Addis Abbaba, isla markaana ah wakiilada joogtada ah ee hay’adaha UNEP iyo UN Habitat.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is waafajiyo mudnaanta guud ee caalamiga ah, tan gobolka iyo in la abuuro mawqif midaysan oo Afrikaan ah oo ku wajahan xal u helidda caqabadaha iyo fursadaha magaalooyinka Afrika.
Soomaaliya oo xubin firfircoon ka ah howl qabadka hay’adda ayaa ka hadashay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya saartay arrimaha deegaameynta, xal u helidda barakacayaasha iyo dhismaha magaalooyinka.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka warbixiyay horumarka uu sameeyay dalka Soomaaliya ee dhanka dhismaha magaalooyinka, kobcinta dakhliga dowladda iyo sare u qaadidda aqoonta hoggaanka maamullada dowladaha hoose.
Kulankan wadatshiga ah ayaa u dhaxeeyay wakiilada joogtada ah iyo hay’adda UN Habitat, iyadoo loogu gogol xaarayay kalfadhiga 2-aad ee UNHA oo dhowaan ka qabsoomi doona magaalada Nairobi.
Barnaamijka deegaanka iyo dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN-Habitat) waxaa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu xilsaaran yahay in kor loo qaado bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba magaalooyinka.








