Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (U.S. AFRICOM), Gen. Michael E. Langley iyo Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Maraykanka iyo la iskuna waydaarsaday xogo muhiim ah, ayadoo si gaar ah xoogga loo saaray dardar-gelinta howlgalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo khatar ku haya xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha ciidanka, duqeymaha cirka, iyo garab istaagga ay u muujiyeen dib u xoreynta deegaannada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in iskaashigan uu tiir muhiim u yahay guulaha laga gaaray la dagaalanka kooxaha argagixisada.






