WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Labo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ayaa lagu toogtay bannaanka madxafka Yuhuudda ee magaalada Washington, DC oo ah Caasimada Dalka Mareykanka.
Pamela A Smith, oo ah madaxa waaxda booliska magaalada, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay xireen nin lagu magacaabo Elias Rodriguez oo 30 jir ah kana soo jeeda Chicago kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu yahay gacan ku dhiiglaha toogashada ka dambeeyay.
Madaxa waaxda booliska Haweeneyda lagu magacaabo Pamela A Smith, waxay intaasi ku dartay in ka hor toogashada la arkay gacan ku dhiiglaha oo marna madxafka galaya mrna ka soo baxaya ,ugu dameyn qorey la soo baxay mar uu ku dhawaaday labada uu toogtay iyo laba kale oo isku dhawaa markaasuu uu rasaas ooda uga qaaday.
Gacan ku dhiiglaha Elias Rodriguez oo sida wararku tilmaamayaan qirtay danbigiisa ayaa gudaha xabsiga wuxuu ku dhawaaqay xor xor iyadoo lagu fasiray inuu ula jeedo Falastiin oo ah xor ah ayaan rabaa.
Maayarka magaalada Washington, DC haweeneyda lagu magacaabo Muriel Bowser ayaa u sheegtay wariyeyaasha in maamulkeedu uusan u dulqaadan doonin rabshad ama nacayb ka jira magaaladeeda.
“Uma dulqaadan doono wax kasta oo falal argagixisanimo, waxaanan u wada istaagi doonaa bulsho ahaan maalmaha soo socda iyo todobaadyada soo socda si aan u dirno fariin cad oo ah inaanan u dulqaadan doonin nacaybka nacaybka,” ayay tiri Maayarka Washington DC Muriel Bowser.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.CO