HomeWarkiilafta-gareen oo Baydhaba ku laabtay kadib fashil ku yimid ka mid ahaanshihiisa...

lafta-gareen oo Baydhaba ku laabtay kadib fashil ku yimid ka mid ahaanshihiisa xisbiga Madaxweyne Xassan

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed  Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib markii uu Muqdisho uga qeybgalay shirkii wada-tashiga qaran.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur-galbeed oo uu hogaaminayay
ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa ku soo dhaweeyay Lafta-gareen Magaalada Baydhaba.
Warar hoose ayaa sheegaya in ku laabashadiisa Baydhaba ay timid kadib markii lagu fashilmay xalinta khilaaf soo kala dhex galay Lafta-gareen iyo hogaanka sare ee Xisbiga Nabada iyo wada-jir ee Madaxweyne Xassan hogaamiyo.
Inkastoo wali uusan saxaafada arimihiisa kala hadlin hadana wararka qaar ayaa sheegaya inuu Xisbiga ka waayay xil sare uu reer ahaan uga rabay taasina ay keenatay in saacado badan loo fadhiyay sidii loogu qancin lahaa balse markii xalkii uu adkaaday ayuu isla maanta go’aansaday inuu Baydhaba isaga laabto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 7 people and aircraftMay be an image of 7 people and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people, suit and weddingMay be an image of 6 people, suit and weddingMay be an image of 6 people and wrist watchMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people, wrist watch and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -