HomeCiyaarahaLamine Yamal oo si kulul ugu jawaabay taageerayaasha Real Madrid kadib dhaleeceyn...

Lamine Yamal oo si kulul ugu jawaabay taageerayaasha Real Madrid kadib dhaleeceyn ay u jeediyeen

XIGASHO LAACIB.NET

Lamine Yamal ayaa si adag ugu jawaabay taageerayaal ka tirsan Real Madrid oo ku eedeeyay inuu yahay mid isla weyn oo kibir badan.

Kaddib guushii cajiibka ahayd ee Barcelona ka gaartay Real Madrid 3-2 kulan ka tirsan Copa del Rey, Yamal ayaa la weydiiyay fikirkiisa ku aaddan eedeymaha, wuxuuna si kulul uga jawaabay arrinta: “Haddii ay guuleystaan, markaas ha i dhahaan sidaas.”

Garabka 17-jirka ah ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii Barcelona, isagoo caawiyay finalkii labo gool oo muhiim ah.

Inkasta oo Barcelona 2-1 lagu hoggaaminayay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay, haddana waxay sameeyeen soo laabasho cajiib ah, iyadoo Ferran Torres uu barbareeyay daqiiqaddii 84-aad, Jules Kounde-na uu goolka guusha dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa.

Isku kalsoonaanta Yamal ayaa dareen badan dhalisay, balse wuxuu u muuqdaa mid aan ka welwelsanayn dhaleeceynta. Wuxuu rajeynayaa inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan marka ay Barcelona la kulanto Inter Milan, taasoo noqon karta ciyaartiisa 100-aad ee uu u safto kooxda.

In kasta oo lala barbardhigo Lionel Messi, oo xilligii uu da’daas ahaa kaliya toddobo kulan u ciyaaray Barcelona, Yamal ayaa iska diiday in uu is barbar dhigo halyeyga reer Argentina.

Lamine Yamal Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Taageerayaasha Real Madrid Kadib Dhaleeceyn Ay U Jeediyeen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -