XIGASHO LAACIB.NET
Warar badan oo ay kamid yihiin kuwa uu qoray Miguel Angel Diaz oo ka tirsan COPE ayaa xaqiijiyay in Luka Modric uu ka tagayo Real Madrid.
Xiddiga reer Croatia ayaa lagu wadaa in xafladdiisa macsalaamada ay ka dhacdo garoonka Santiago Bernabeu maalinta Sabtida, May 24.
Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsanaa mustaqbalkiisa, iyadoo la sheegay in tababaraha cusub ee Xabi Alonso uu jeclaan lahaa inuu sii haysto khadka dhexe ee khibradda leh.
Modric oo 39 jir ah ayaa u saftay Real Madrid 590 kulan intii uu joogay kooxda, waxaana uu la qaaday 28 koob oo waaweyn – taasoo ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu guulaha badan taariikhda Los Blancos.
Xilli uu waqtigiisu ku dhow yahay gabagabo, taageerayaasha Real Madrid ayaa u diyaargaroowaya inay si sharaf leh u macsalaameeyaan halyeeygoodii khadka dhexe.