XIGASHO LAACIB.NET
Daafaca Manchester United Luke Shaw ayaa si murugo leh uga hadlay guuldarradii 1-0 ee ka soo gaartay Tottenham kulankii kama dambaysta ahaa ee Europa League, isagoo raalligelin siiyay taageerayaasha kooxda.
“Waxaan u maleynayaa in taageerayaashu ay si buuxda u niyad-jabsan yihiin, waana sax iney sidaas dareemaan. Laakiin waxaan dhihi karaa kaliya: aad baad ugu mahadsan tihiin taageeradiinna,” ayuu Shaw ku bilaabay hadalkiisa.
“Meel kasta oo aan tagno, inkasta oo aan ku jirno kaalmaha hoose ee miiska iyo natiijooyinka liita xilli ciyaareedkan, mar walba way nala joogaan.”
“Marka hore, aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada, marka labaadna waan ka xunnahay waxyaabaha ay dareemeen iyaga xilli ciyaareedkan. Wax aan la aqbali karin ayuu ahaa, waxaana ka bixin karaa oo kaliya raalligelin.”
“Waxaan u baahannahay inaan eegno dhinaca togan, waxa kaliya oo wanaagsan waa inaan kor uga bixi karno halka aan joogno hadda. Waqtigaan waxaan joognaa heerkii ugu hooseeyay, waana inaan si adag u shaqayno si aan dib ugu soo laabano heerkii kooxda ay istaahishay,” ayuu ku daray.