HomeWarkiiMa fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Agaasimihii hore ee laanta Socdaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu cinwaan uga dhigay Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Siyaasigaani oo xiliyadaan danbe ka mid ah siyaasiyiinta diidan siyaasada Dowaladu wax ku maamuleyso sidoo kalana ah musharax madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa qoraalkiisa aad ugu dhaliilay sida ay dowladu dalka ku hogaamineyso.

Siyaasigaani wuxuu sheegay in qatarta taagan ay mid tahay in alabaabada loo laabay sedex madal oo dalka muhiim u ah isagoo tusaale usoo qaatay golaha baarlamaanka iyo warbaahinta.

Hadaba qoraalka siyaasigaan ayaa sidan u qoran:-

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?.

Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta.
Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada.
Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu gacan qaadayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo xadgudubka lagula kacayo wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qaadeysaa.
Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta.
Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madaxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaarinta iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada.
“Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -