LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamulka SSC Khaatumo ayaa shaaciyay inuu xiran yahay wadada isku xirta iyaga iyo Maamulka Somaliland .
Taliyaha Booliiska SSC Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay Laas-caanood ayaa sheegay inaanu jirin w heshiis ah oo dhexmaray iyaga iyo Somaliland sidaas daraadeed ay mamnuuc tahay in gaadiidka ganacsiga iyo kuwa xamuulkaba aysan isticmaali karin wadadaaasi.
“ma jirto wax wada-hadal ah oo na dhex-maray anaga iyo Somaliland sidaas daraadeed sidii dagaaladii ay u dheceen ayay wadooyinku u xiran yihiin”ayuu yiri Taliyaha
Warka maamulka Khaatumo ayaa yimid kadib markii ay dhawaan qabteen gaari weyn oo ka yimid dhanka Somaliland.
Dhanka kale warkaani ka soo baxay SSC Khaatumo wuxuu ku soo aadaya xili dhawaan madaxweynaha Maamulka Somaliland uu ka dhawaajiyay inuu ka shaqeyn doono sidii loo furi lahaa ganacsiga iyo isku socodka dhankooda iyo dhanka SSC Khaatumo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM