BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo maalmihii ugu dameeyay aad looga hadal hayay baraha bulshada in Maamulka Puntland soo iibsaday diyaarado dagaal gaar ahaan nuuca nuuca qumaatiga u kaca ee Heylakobtariska ayaa waxaa arintaasi BB-da wax ka weydiisay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiir Ceydiid Dirir wuxuu xaqiijiyay in warkaasi run yahay islamarkaana maamulka Puntland uu soo iibsaday dhowr diyaaradaha dagaalka ah ee heylakobtariska loo yaqaan.
Wasiirka mar uu sii sharaxayay nuucyada ay kala yihiin wuxuu ku kala sheegay kuwa wax duqeeya ee dagaalama iyo kuwa dhaawacyada lagu qaado ee aanbalas ahaanta loo isticmaalo.
Sidoo kale Wasiirka wuxu ku faanay in Maamulka Puntland uu isku filaanaan gaaray isagoo tusale u soo qaatay inay mudo 5 bilood ah kaligood dagaal kula jiraan kooxda Daacish inkastoo uu qirey in Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay ka caawiyaan duqeymaha Daacish ay u geystaan.
Muuqaalo baraha bulshada la soo geliyay ayaa lagu arkay dhowr diyaaradaha heylakobtariska ah oo maraya meel xeeb ah taasoo wasiirka markii wax laga weydiiyay uu sheegay in halkaas ay tahay magaalada Boosaaso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM