HomeWarkiiMaamulka Puntland oo digniin culus u direy Siyaasiyiinta tiknikada ku dhex wata...

Maamulka Puntland oo digniin culus u direy Siyaasiyiinta tiknikada ku dhex wata Garowe.

GAROWE (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa digniin culus waxaa loogu gud-biyay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwaasoo gaadiid dagaal ku dhex wata Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo afka Maamulka ku hadlayay ayaa uga digay siyaasiyiinta tiknakada iyo ciidamada ku heysta Garowe ineysan qalqal gelin amniga Magaalada.
Wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta inay joojiyaan dhaq dhaqaaqa ciidan iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in siyaasigii dalka imaanayaba uu rabo in tiniko badan lagu soo galbiyo.
“ma sheegi karo xikmada ku jirta in siyaasi dalkiisa ku soo laabtay oo raba in 20 Tikniko ah lagu soo dhaweeyo, wixii amni ah nidaamka dowliga ah haloo daayo”ayuu yiri Wasiir Maxamuud Ceydiid Dirir.
Wasiirka warkiisa ayaa si toos ah ugu socda Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo dhawaan garowe soo gaaray, waana musharixii wareegga ugu dambeeya ee doorashadii 2024 ay isla gaareen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Siyaasigaan ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu danihiisa shaqsiga ah ku badashay danihii guud ee maamulka loo igmaday,isagoo si gaar ah ugu eedeeyay in Dani uu Puntland ka reebay Soomaalida inteeda kale islamarkaana go’doon siyaasadeed geliyay dadka reer Puntand.

XAFIISKA WARARKA  SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -