HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland ayaa markale amar dul-dhigtay dadka Ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada Maamulkaasi sida gobolada iyo caasimadooda Hargeysa.
Amar culus oo ka soo baxay Wasaarada arimaha gudaha Maamulka Somaliland ajaanibta loogu qabatay inay muddo 3 todobaad ah isku diiwaangaliyaan.
Amarkaan waxaa si gaar ah loo dul saaray kuwaa aan heysan ruqsada ay dalka ku joogi karaan ama kan ay ka dhacday.
ajanabi kasta oo isa soo diiwaan geliya wuxuu maamulka Somaliland u balan qaaday inay cusbooneysiin loo sameyn doono.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DAYNIILE.COM

