HomeWarkiiMacalin Dugsi oo lagu dilay Degmada Warsheekh

Macalin Dugsi oo lagu dilay Degmada Warsheekh

WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Macalin Caruurta bari jirey Quraanka Kariimka ah ayaa la soo sheegaya in maanta lagu dilay duleedka Magaalada Washeekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Macalinka Allaha u naxariistee oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Sheekh ayaa wararku waxay tilmaamayaan in aano qabiil ay u dileen maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in maleeshiyaadkii macalinka dilay ay baxsadeen iyadoo hay’adaha amniga ee Degmada Warsheekh wali ka hadlin dhacdadaani iyo hadii ay jirto talaabo ay qaadeen intaba.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor ay ahayd markii laba odey dhaqameed sidan oo kale aano qabiil loogu dilay Tuulada Koogaar oo dhacda duleedka Magaalada Warsheekh.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -