RAAGE-CEELLE (DAYNIILE.COM)-Kulan ay isugu yimaadeen ciidamo aad u huebeysan oo ka tirsan Macawisleyda Beesha Abgaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayay ku muujioyen cabasho ay ka qabaan balamo badan oo Dowladu u qabatay.
Mid ka mida Macawisleydaan ayaa goobta kaga dhawaaqay inay u dulqaadan la’yihiin booqashada saraakiisha Dowlada iyo balanqaadyaa sii kordhaya ee ah in lagu howlgeliyo sidii ay deegaanadooda uga xoreyn lahaayeen Alshabaab.
Macwisleyda Reer Raage-ceelle waxay Dowlada u qabteen mudo sedex maalin inay ku howlgaliso si ay weerar ugu qaadaan Alshabab.
“Dowlada waxaan ka rabnaa inay na fasaxdo oo beenta iyo huu-huuda naga daayaan ama ay na howlgeliyaan si cadowg aan dhulkeena uga xoreyno”ayuu yiri ninkaasi u hadlay macawisleyda
Ninkaani wuxuu carabka u adkeeyay in Dowladu ka bixi weyday Kaamero iyo Sawiro taasna aysan iyagu rabin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM