Ciidamo ka tirsan Macwisleyda beesha Xawaadle ayaa saacadihii danbe ee shalay waxay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhaca xadka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Macawisleyda beesha Xawaadle waxay howlgalkooda ku weerareen deegaano ay ku sugnaayeen alshabaab kuwaasoo ku kala yaal xadka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe gaar ahaana hoos taga labada Degmo ee Aadan Yabaal iyo Moqokori.
Saraakiil u hadashay macawisleyda ayaa guulo ka sheegtay mar ay saxaafada u waramayeen iyagoona xusay inay cagta mariyeen dhamaan fariisimihii ay Alshabaab ku weerareen,wuxuu cadeeyay in weerarada ay wadaan ay yihiin kuwo ku saleysan ku dhufoo ka dhaqaaq.
meelaha ay weerarada ku qaadeen waxay ka mid ah deegaanka Makaa’iil oo dhaca inta u dhexeysa Mubaax iyo Tawakal oo hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Sidoo kale waxay weerarka ka fuliyeen deegaano hoos taga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan,labada howlgalba waxay ahaayeen kuwo isku xiran oo iska warqabay sida uu sheegey sarkaalka u hadlay macawisleyda.
Sarkaalkaan wuxuu sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid xaq ah oo jihaad ah isagoo xusay in Alsha baab ay ka been sheegaan Jihaadka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM