HomeWarkiiMacawisleyda Hiiraan oo ku kor dabaal-degay meydadka dagaalamayaal Alshabaab ay ka laayeen

Macawisleyda Hiiraan oo ku kor dabaal-degay meydadka dagaalamayaal Alshabaab ay ka laayeen

CEEL-HAREERI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta Macawisleyda gobolkaasi ku kor dabaal-degeen meydadka dagaalamayaal Alshabaab ay ka laayeen kadib dagaal culus oo alshabaabku jihooyin badan ka soo qaadeen.

Saraakiisha macwisleyda ayaa sheegeysa in meydadku tira beek noqdeen markii Alshabaab ku jabeen weerar ay iyagu soo qaadeen deegaanka Ceel-hareeri ee  dhanka xadka Gobolada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Saraakiishu waxay sheegeen inay sidoo kale hub qoryaha fudud u badan ka furteen kooxda Alshabaab,guud ahaan hubka ay furteen waxay ku sheegeen 13 Ak47 ah iyo laba Baasuuke.

Qorayaha ay furteen qaar ka mida ayaad muuqaalka ku arkeysaa iyagoo rasaastii ku jirtay kor u ridaya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -