HomeWarkiiMacawisleyda oo dooneysa inay Degmada Aadan Yabaal ka saaraan Alshabaab iyo gurmad...

Macawisleyda oo dooneysa inay Degmada Aadan Yabaal ka saaraan Alshabaab iyo gurmad gaaray 

ADAN YABAL (DAYNIILE.COM)-Boqolaal ka tirsan ciidamada Macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inay saacadihii ugu dambeeyay ku biireen dagaalka ka socda  xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kuwaasoo gurmad  siinaya kuwii hore halkaasi dagaalka kula jiray Alshabaab.

Saraakiisha macawisleyda ayaa laga soo xiganaya inay heleen gurmad xoog leh xili ay ka go’antahay inay Degmada Aadan Yabaal ka saaraan Alshabaa oo dhawaan uuna xoog ku qabsaday halkaasi.

Saraakiisha Macawisleyda waxay si kalsooni leh u sheegayaan inay doonayasan inay xoog ku galaan degmada Aadan Yabaal islamarkaana ka saaraan kooxda Alshabaab.

Taliska Ciidamada Xoogga, wasaarada gaashaandhiga Somalia iyo Taliska  sirdoonka qaranka ayaa intaba waxay garab iyo gaashaan u yihiin ciidamaa macawisleyda hiiraan ee dagaalka naf hurnimada ah kala hor jeeda Alshabaab.

Dhanka kale waxaa iyagana qaban qaabadii ugu dambeysay ku jirta macawisleyda Gobolka shabeelaha dhexe kuwaasoo laga soo xigtay inay qaadayaan guluf dagaal si ay Alshabaab uga saaraan Degmadooyinka Masaajid Cali-Gaduud iyo Aadan Yabaal.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -