Iyadoo laga ambaqaadayo Gogosha Wadatashiga Qaran ee lagu dhawaaqay 15ka Juune, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah u diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.
Siyaasiyiinta casuumadda rasmiga ah loo diray waxaa ka mid ah: Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo iyo kulammo gaar gaar ah, si ay gogosha 15-ka Juun u noqoto mid miro dhal ah oo saldhig u noqota isfaham, dib u heshiin, iyo horumar qaran.
