MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh uu qorsheynayo in dhawaan uu xilka ka qaado Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Kenya Jabriil Cabdulle.
Wararkaan ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ku qanacsaneyn habka shaqada uu u wado Safiir Jabriil Cabdulle oo xilkaan haya sanad iyo bar,waxaa la hadal hayaa in madaxtoooyadu diyaarineyso shaqsigii lagu badeli lahaa.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in marwo Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska Madaxweynaha loo rabo in lagu badalo Jabriil Cabduille oo heyb ahaan aad ugu dhaw madaxweynaha oo ay juda hoose ee Cali Gaaf isla yihiin.
Inta laga war hayo dhowr mar ayaa safaarada lagu eedeeyay musuq maasuq dhanka shaqada gaar ahaan waaxda socdaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM