Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga yaabay inuu galay Liiska 11-ka Qof ee Ugu Qanisan Afrika*
Waxaa layaab iyo dood badan dhaliyay kadib markii magaciisa lagu arkay liiska 11-ka qof ee ugu hantida badan Afrika ee sanadka 2025, iyadoo lagu sheegay inuu haysto hanti dhan $980 milyan. Dad badan oo si shaqsi ah u yaqaanay Xasan Sheekh kahor intii aanu siyaasadda gelin 2012, waxay xusuustaan inuu ahaa aqoonyahan caadi ah oo aan lahayn hanti muuqata.
Mudadii uu xilka hayay (2012–2017), waxaa la sheegay inuu si lama filaan ah ugu kacay hanti ballaaran, taas oo dadka qaar u fasirteen inuu si aan caddaalad ahayn u tacbanayo. Haddana, xilligaan dambe ee uu mar labaad xilka hayo, waxaa isa soo taraya eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo maal urursi, taasoo lagu sababeeyay kororka hantidiisa.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan hufnaanta maamulkiisa iyo sida hantidiisa u kordhay intii uu xilka hayay. Dad badan waxay dalbanayaan in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo hanti-dhowrka madaxda dalka, si loo xaqiijiyo caddaaladda iyo isla xisaabtanka.
W/Q: Ahmed Aw Ali
Asxaabey fikirkiinu wainoo muhiim Maxay idinlatahay