XIGASHO LAACIB.NET
Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa ku biiray dhaleeceyntii garsooraha ay u jeediyeen tababare Hansi Flick, Pedri, Iñigo Martínez iyo Ronald Araújo isagoo eedda guuldarradii ka dhanka ahayd Inter dusha ka saaray garsooraha.
“Waxaan si adag ugu dagaalannay inaan gaarno finalka, balse suurtagal nooma noqon,” ayuu Laporta ka sheegay Barca TV.
“Sababta ugu weyn ee arrintaas ayaa ah go’aannada garsooraha oo na hafray. Tani waa inay naga dhigtaa kuwo xoog badan. Waa inay naga dhigtaa kuwo leh maskax adag si aan ugu guuleysanno horyaalka.
“Waxaan leenahay koox maanta wax qabsan karta oo mustaqbal fiican leh. Waxaan rumeysanahay in haddii aan sii wadno shaqada adag, riyooyinkeenna ay rumoobi doonaan, xilli ciyaareedka dambe na waxaan kusoo laaban doonnaa Champions League si aan ugu tartanno hanashadiisa,” ayuu hadalkiisa raaciyay Laporta.
Barcelona ayaa garsooraha ku eedeynaysa inuusan dhicin dhowr qalad oo ay u arkayeen inay ahayd in loo dhigo iyo rigoore aan la siin.