Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Mr Gianni Infantino, ayaa hambalyo rasmi ah u diray Naadiga Mogadishu City Club, isaga oo u muujiyay bogaadin iyo dhiirrigelin ku aaddan dadaalkooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen.
FIFA waxay Naadiga Mogadishu City Club ugu hambalyeyneysaa hanashada horyaalka kubada cagta Somalia kaasoo dhawaan ay ku guuleysten xili kulankii ugu dambeeyay ay aad ugu dabaal degeen garoonka Muqdisho Stadium.

