HomeWarkiiMadaxweynaha Galmudug muxuu ka yiri mucaaradka Dowlada

Madaxweynaha Galmudug muxuu ka yiri mucaaradka Dowlada

DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen mucaaradka xili uu Dhuusa-mareeb  shalay la daah-furayay Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta deegaannada Dowladd Goboleedka Galmudug.

Qoor-qoor oo la hadlayay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ugu baaqay inay xisbiyo furtaan una diyaar garoobaan doorashooyinka qofka iyo cidka ah ,sidoo kale wuxuu tilmaamay hadii ay jirto tabsho ay qabaan inay banaanka la imaadaan.

“waa la is dhageysanayaa waa la iska qancinayaa laakiin dib loo noqon maa insha Allaah , hore ayaa loo soconayaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor

Mar uu soo hadal qaaday hadalo dhanka mucaaradka ka soo baxay ayuu sheegay inay ku maagayaan maamul goboleedyada.

“waxaan arkaayay walaalo Dowlad goboleedyada maagaya oo wax badan sheegaya waxaan leeyahay walaalayaal ma shaqeyneyso hadal la qurxoyo oo hadana sidii saxda ahayd aan loola jeedin,waxaan idin leeyahay xisbiyo siyaasadeed furta una diyaar garooba doorasho,dadkiina sharafta ee shacabka ahna aamina”ayuu yiri Qoor Qoor

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -