Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Dhagax dhigay dib u dhiska Waddada laamiga ah ee isku xirta degmada Guriceel iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga Dowladda iyo Shacabka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay shaqada dib u dhiska Waddadu ay ku billaabaneyso sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana dowladdu ay diyaarisay qalabkii lagu dhisi lahaa, iyadoo u kaashan doonta dhismaha waddada guud ahaan bulshada Galmudug.
Maaha markii ugu horeysay oo mashruuc waxtar u leh bulshada rerr Galmudug la hirgeliyo balse hore ayuu madaxweyne Qoor-qoor mashruucyo sidaan oo kale ah ka fuliyay deegaanada Galmudug.











