HomeWarkiiMadaxweyne Xassan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Turkey

Madaxweyne Xassan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Turkey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga miro-dhalka dadaallada nabadda iyo wada-hadalka ee ku aaddan PKK, isagoo bogaadiyey doorka firfircoon ee dowladda Turkiga ay ka qaadato taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa mar kale adkeeyey in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta siinaysa mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -