MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Khilaaf ka taagnaa gudaha Xisbiga Madaxweyne Xassan ee Nabada iyo Cadaalada ayaa la sheegayaa in la xaliyay kadib cabashadii C/casiis Laftagareen uu xamar kaga baxay xili isaga dartiis loo baajiyay xafladii shaacinta xisbiga.
C/casiis wuxuu ka cabanaayay in xilalka sare sare aan wqx laga siin taasoo keentay in hada lagu qanciyay in Xisbiga looga dhigay gudoomiye ku xigeenka 1-aad.
Sidoo kale Qancinta C/casiis Laftagareen madaxweynaha Maamulka Koofure-galbeed ayaa keentay in wax laga badalo qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada.
Qaab dhismeedka xisbiga ayaa hada loo badalay qaabkaan:-
1- Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud
2- Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/casiis Lafta Gareen
3- Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Ra’iisul Wasaare Xamse
4- Xoghayaha Guud ee Xisbiga C/raxmaan Odawaa
Wararka ayaa intaasi ku daraya in berito uu Muqdisho ku soo laaban doono C/casiis Lafta-gaeen si ugu dambeyn Talaada loo qabto xafladii shaacinta xisbigaani oo siyaasiyiin badan ay ku jiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM