HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo qaabilay Samuel Eto,Adebayor iyo Jay-Jay Okocha+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo qaabilay Samuel Eto,Adebayor iyo Jay-Jay Okocha+SAWIRRO

Muqdisho, May 28, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo booqasho taariikhi ah ku timid dalka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.
Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people, suit and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -