HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo Wasaarada Gaashaandhiga kula kulmay Wasiir Fiqi,Taliye Odowaa iyo saraakiil...

Madaxweyne Xassan oo Wasaarada Gaashaandhiga kula kulmay Wasiir Fiqi,Taliye Odowaa iyo saraakiil kale+SAWIRRO

Muqdisho, May 22, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.
Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaagaadiyey geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jabiyey argagixisada ayaa adkeeyay in la dardar-geliyo dib-u-dhiska Ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people, saxophone, flute, oboe and clarinetMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people, clarinet and saxophone
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -