MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku shirsanaa Muqdisho ayaa dhistay markii ugu horeysay hogaan sida Gudoomiye,sedex ku bxigeen,xog-haye iyo afhayeen.
Qaabjka loo dhisay Madasha Mucaaradka ayaa ku dhisan Awood qeybsiga 4.5 inkastoo beelaha 5-aad ay ka maqan yihiin.
Gudoomiye waxaa loo doortay Xildhibaan Shariif Sh.Axmed hal laba sedexda Gudoomiye ku xigeen loo doortay Saacid Shirdoon,Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan C/laahi Carab.
Sidoo kale Xoghayaha iyo afhayeenka waa labadii siyaasi ee hore loo ogaa kuwaasoo kala ah Xog-haye Koofi iyo Afhayeen Daahir Geelle.
marka la eego qaab dismeedka Hogaanka Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa aad ugu eg kii ay dhisteen Xasan iyo team-kiisa inkastoo ay wax yar ku kala duwan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM