HomeWarkiiMagacyada Xildhibaanada ee buuxiyay kuraastii ay ka geeriyoodeen Marxuumad Khadiija Max'd Diiriye...

Magacyada Xildhibaanada ee buuxiyay kuraastii ay ka geeriyoodeen Marxuumad Khadiija Max’d Diiriye iyo Maxmuud Sey-sey

JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 31’da bisha May 2025 waxaa xarunta baarlamaanka Hirshabeelle ee Jowhar ka dhacday doorashada dib u buuxinta kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.
Labadasi kursi ee baarlamaanka waxaa ka geeriooday Marxuumad Khadiija Max’ed Diiriye iyo Maxmuud Max’ed (Sey sey) waxaana maanta kala buuxiyay nin Khadiija la dhashay iyo wiil uu dhalay Maxamuud Say-say.
Ninka la dhashay Khadiijo waxaa lagu magacaabaa  Cabdikarin Maxamed Diriye halka wiilka uu dhalay Maxamuud Say-say isna lagu magacaabaa C/qadir Maxamud Maxamed.

Doorashada maanta ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle waxaa soo xaadirey xubnaha baarlamaanka Hirshabelle iyo Ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098, waxaana soo xaadirtay ergo gaareya 101.

Doorashada oo si degan ku dhacday waxay natiijada doorashadu noqotay sidan:-

1- Hop097 – Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod.
2- Hop098 – Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 Cod.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, beard and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people, beard, people smiling and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -