=XIGASHO BBC SOMALI=
Nin u dhashay dalka Masar kaas oo dad ka badan 3,000 oo muhaajiriin ah xuduudaha kaga soo gudbiyay doonyo sharcidarro ah ayaa lagu xukumay 25 sano oo xabsi ah.
Falka tahriibinta uu sameeyay ninkan ayaa lagu qiimeeyay in ka badan 16 milyan oo doolar. Hay’ada u qaabilsan UK dambiyda ayaa sheegtay in Ahmed Obeid oo 42 jir ah kaas oo deggan UK uu ku lug lahaa tahriibinta dad ka badan saddex kun.
Dadka ayuu Ahmed ka soo tahriibiyay waqooyiga Afrika isagoo keenay Talyaaniga intii u dhexeysay Oktoobar 2022-kii ilaa iyo bishii June sanadkii 2023-kii. Qaar ka mid ah dadkaas waxay soo gaareen UK.
Obeid waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee UK jooga kaas oo loo xukumo in uu ku lug lahaa dad laga soo gudbiyay biyaha Mediterranean ee dhinaca Afrika, lana keenay Talyaaniga.
UK ayuu ku yimid doon yar sanadkii 2022-kii kaddib markii uu shan sano oo xabsi ah ku soo qaatay Talyaaniga isagoo markaas u xirnaa daroogo uu soo geliyay dalkaas. Magangalyo ayuu ka codsaday UK balse marna ma uusan helin jawaabta codsigiisa.
Muddo sanado ah ayuu dalka iska dhex joogay isagoon la siin magangalyo ama deganaasho uu dalka ku joogay. Xukunka hadda lagu riday waxa uu ka dhigan yahay in marka u dhameysto waqtiga xariga kaddib dalka laga masaafurin doono.
Obeid oo UK ay joogaan wiilashiisa iyo xaaskiisa, waxa uu ku noolaa markii la soo qabanayay guri ay dowladda bixiso lacagtiisa oo ku yaal koonfur galbeed magaalada London.
Intii ay socotay maxkamadda, garsooraha wuxuu sheegay in Obeid uu yahay qof aan la aamini karin kaas oo ka faa’ideystay dad quus jooga oo aan waxba kala dooran karin, iyadoo ujeedkiisa ugu weyn iyo waxa ku riixayay ay ahaayeen “in uu lacag ka sameeyo tahriibinta dadka”.
Garsoore Adam Hiddleston wuxuu kaloo sheegay, “Muhaajiriinta waxa uu ula dhaqmay si aad u foolxun, shaki kuma jiro in ay aheyd shaqo faa’ido doon ah” ayuu yiri garsooraha oo intaas ku daray, “Halista in ay dad dhintaan waxay aheyd mid sareysay sababtoo ah dadka waxaa lagu qaaday doonyo kaluumeysi ee laguma qaadin kuwa loogu talogalay rakaabka”.
Maxkamada waxay ku dhawaaqday in Obeid uu ka qaatay kaalin muhiim ah isagoo sidoo kale door weyn ku lahaa kooxda iyo sidoo kale in la laaluusho madaxda. Waxay kaloo maxkamadu sheegtay in Obeid uu bixiyay amarada hanjabaada, dilka iyo in la dhibaateeyo muhaajiriinta.
Kaddib markii uu dhacay xukunkiisa waxaa la maqlayay dad ku qeylinayay, “cadaalad ma ahan”, waxa kaliya uu doonayay in uu helo lacag uu ku keeno qoyskiisa”. Markii lagu dhawaaqay xukunkiisa, nin ka tirsan qoyska Obeid ayaa ku hor ooyay maxkamadda.
Waxaa la xiray sanadkii 2023-kii kaddib markii mas’uuliyiinta dalka Talyaaniga ay baareen taleefoonada caalamiga ee muhaajiriinta ku isticmaaleen wadadii badda Mediterranean ee Libya ilaa iyo Yurub iyo gaar ahaan Talyaaniga.
Waxay heleen qaar ka mid ah aaladihii loo isticmaalay in lagula xiriiro ciidamada ilaalada xeebaha kuwaas oo laga heley numbar UK ah in laga soo wacay intii safarka lagu jiray.
Hay’ada dambiyada UK waxay shaaca ka qaaday in numbarka uu lahaa Obeid, kaddibna waxaa cadeymo laga raadiyay gurigiisa.
Hay’ada waxay ogaatay in sidoo kale uu ku lug lahaa howlgalo kale oo badan oo dad lagu tahriibiyay kuwaas oo kumanyaal rag, haween iyo carruur lagu soo qaaday doonyo kalluumeysi oo halis ah kuwaas oo dad ay ka buuxeen.
Hay’adda dambiyada UK waxay sheegtay si Obeid uu uga dhuunto qeynuunka waxa uu u sheegay mid ka mid ah saaxiibadii, “hadii aad taleefoon ku aragto qof ka mid ah muhaajiriinta, dil, oo badda ku rid”.
Ninka dadka tahriibinayay waxa uu sheegtay in uu yahay “Kabtan Ahmed” sida laga helay bartiisa facebook iyo notebuugyada yaalay gurigiisa. Aaladahaasi waxaa ku jiray faahfaahinta jiheeyayaashii looga soo gudbay badda Mediterranean-ka iyo liis la xiriira bixinta lacagaha lagu soo gudbay badda.
Obeid wuxuu qirtay in uu u fududeeyay muhaajiriinta sharcidarada ah soogalitaanka dalalka Midowga Yurub taas oo dambi ah marka la fiiriyo sharciga Britain. Obeid dood ayuu ka keenay doorka muhiimka ah uu ka qaatay tallaabooyinkaas.
Hay’ada dambiyada UK waxay ogaatay in kaalin weyn uu ka qaatay shabakada tahriibinta dadka.
“Obeid wuxuu qeyb ka ahaa shabakad dambiilayaal ah oo dadka tahriibisa kuwaas oo ugaarsanayay muhaajiriinta kaalmo la’aanta ah ee quusta taagan si looga soo gudbiyo badda Mediterranean doonyo lagu dhimanayo” ayuu yiri Jakob Beer oo ah madaxa goboleedka qeybta baarista.
“Nidaamkiisa arxan la’aanta ee dilka ayaa la ogaaday markii si deggan oo uusan kala jacleyn uu u sheegay in ay badda ku ridayaan oo dilayaan muhaajirkii aan u hoggaansamin qeynuunada”. Ujeedkiisu wuxuu ahaa hab lagu helayo faa’ido oo kalya.
=XIGASHO BBC SOMALI=