MADERA (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha Amniga Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqay inay xog sugan ka heleen maleeshiya Beeleed Soomaalda Kenya ka mida oo dhawaan hal goob ku xasuuqa Qoys Soomaali ahaa kuwaasoo ay aano qabiil ahaan u laayeen.
Dowlada Kenya warka ka soo baxay waxaa lagu shaaciyay inay heleen Xogta maleeshiyaadka dilka geystay sida Sawiradooda,Magacyadooda iyo waliba macluumaad sahli kara soo qabahashooda si sharciga loo hor geeyo.
Saraakiisha Hay’adaha amaanka u hadlay waxay intaasi ku dareen rajada xooggan ee ay ka leeyihiin inay sida ugu dhaw u soo qabtaan gacab ku dhiiglayaashaasi.
Masuuliyiin ayaa ka hadashay sida Gudoomiyaha, Sanatarka-ka iyo Odayaasha ismaamulka Mandera,Sanatarka Cali Roda ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa in reer Madera uu ku dhacay Habaar aysan garaneyn meel uu uga yimid.
Hay’adaha amaanka Kenya waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabkii colaad beeleedkaani ku barakacay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.
Falkaasi foosha xun ayaa dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada Mandera gaar ahaan Degmada Baanisa iyadoo qoyska la laayay ay ahayeen aabe ,xaasaskiisa iyo caruurtiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM