XIGASHO KOOXDA.COM
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshay war cusub oo ku saabsan baacsiga ay ugu jirto weeraryahanka Ipswich Liam Delap.
22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkan si weyn uga dhex muuqday kooxda Tractor Boys, isagoo dhaliyay 12 gool 35 kulan oo uu saftay Premier League, isagoo sidoo kale caawiye ka ahaa labo gool.
Ka laabashada premier League ayaa la macno ah in kaliya 30 milyan lagu bur-burin Karo heshiika xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Iyadoo lala xiriirinayo kooxaha Newcastle iyo Chelsea, waxaa soo wariyay Sky Sports News in Man Utd la rumeysan yahay inay ku jirto ‘booska ugu wanaagsan’ saxiixa weeraryahanka.
Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay sheegtay in Delap uu ku faraxan yahay in uu ku biiro kooxda Man Unitedin kastoo go’aankiisa ugu dambeeya uu ku xidhnaan doono in ay Man United ku guulaysato Europa League una soo baxdo Champions League xilli cigaareedka dambe.
Si kastaba ha ahaatee, horumaro cusub ayaa sheegaya in Man United ay la kulantay dharbaaxo weyn.
Sida ay wararku sheegayaan, Deap waxa uu door bidayaa u dhaqaaqista Chelsea halkaas oo uu kula midoobayo Enzo Maresca oo ahaa macalinkiisii ​​akadeemiyadda Manchester City.