HomeCiyaarahaManchester United oo indhaha la raaceysa Pedro Goncalves si uu u noqdo...

Manchester United oo indhaha la raaceysa Pedro Goncalves si uu u noqdo beddelka Bruno Fernandes

XIGASHO LAACIB.NET

Manchester United ayaa la sheegayaa inay si dhow ula socdaan xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon, Pedro Gonçalves, iyadoo Bruno Fernandes si adag loola xiriirinayo kooxda reer Sacuudi ee Al-Hilal, sida uu qoray Mirror.

Al-Hilal ayaa diyaar u ah inay Manchester United ka gudbiyaan dalab dhan £100 milyan si ay u helaan Bruno, iyagoo sidoo kale diyaariyay heshiis qandaraas oo 3 sano ah, qiimihiisuna yahay £180 milyan – taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la diido.

United ayaa horeba u daba socotay Pedro Gonçalves, waxayna diyaar u yihiin inay la yimaadaan £70 milyan haddii Bruno go’aansado inuu aqbalo dalabka Sacuudiga. Gonçalves ayaa ku caan baxay doorkiisa weerar, isagoo ciyaari kara garabka iyo khadka dhexe, wuxuuna sanadkan dhaliyay 6 gool, caawiyayna 7 kale 20 kulan gudahood.

Fernandes, oo 30 jir ah, ayaa weli ah tiir-dhexaadka kooxda, balse United waxay u aragtaa Gonçalves beddel mustaqbal leh. Ruben Amorim, macallinka United, ayaa doonaya inuu xajisto kabtankiisa, balse lacagta laga helo iibkaas ayaa la filayaa inay ka caawiso dib-u-dhiska kooxda.

Go’aanka kama dambaysta ah ayaa lagu sheegay inuu Bruno gacanta ku hayo, iyadoo Al-Hilal la sheegay inay dejisay waqtiga kama dambaysta ah ee go’aanka Bruno.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -