HomeWarkiiMaraykanka oo 10 milyan dul dhigay nin ka tirsan kooxda Alshabaab

Maraykanka oo 10 milyan dul dhigay nin ka tirsan kooxda Alshabaab

=XIGASHO BBC SOMALI=.

Waaxda Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay bixinayaan abaalmarin dhan ilaa $10 milyan (oo u dhiganta Sh1.29 bilyan lacagta Kenya ah) qofkii keena xog horseedi karta in la soo qabto ama la xukumo Abdullahi Banati.

Abaalmarintan ayaa sidoo kale lagu bixin doonaa cid kasta oo keenta xog horseedi karta in la qabto qof kasta oo kale oo mas’uul ka ahaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay ee Kenya 5-tii Janaayo 2020, kaasoo lala beegsaday saraakiil Mareykan iyo Kenyan ah.

Weerarka oo dhacay waaberigii hore ayaa ay koox ka tirsan al-Shabaab ku dileen hal askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsanaa Wasaaradda Difaaca Mareykanka (DoD). Waxaa sidoo kale dhaawacmay laba askari oo Mareykan ah iyo qandaraasle kale oo DoD ah, iyo hal askari oo Kenyan ah.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka:

“Al-Shabaab oo ah garabka Bariga Afrika ee kooxda al-Qaacida, ayaa mas’uul ka ahaa weerarro argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah – kuwaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah.”

Bayaanka ka soo baxay Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in:

“Kooxdan argagixisada ah ee al-Shabaab ay sii wadaan qorsheynta iyo isku dayga inay weerarro la beegsadaan danaha Mareykanka, shacabka Mareykanka, iyo saaxiibbada Mareykanka ee caalamka.”

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee al-Shabaab, Shahada News Agency, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Banati ayaa lala xidhiidhiyey in uu ka tirsanaan jirey kooxda Jaysh Ayman oo weerarkaasi qayb ka ahayd.

Maxaa laga og yahay kooxda Jaysh Ayman

Warar ilo kala duwan aan ka soo xigannay waxay sheegayaan in qiyaastii 13 sano ka hor la aasaasay kooxdan. 2013 ayey Al Shabaab kooxdan u xilsaareen inay weerarro weerarro ka gaystaan dalal ay Kenya ka mid tahay..

Maxaa laga yaqaan Jaysh Ayman?

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in ay raggii kooxdaas ugu waaweynaa ee uu ku jiray Macallin Ayman qaarkood ay noolaayeen, marka laga reebo Mussa Asad oo ahaa dagaallame Kenya u dhashay.

“Waxaa loo arkaa inay ahaayeen jabhadda ugu adag ee Al Shabaab ka tirsan, xubnaheedana u baahan yihiin inay maraan hanaan adag marka la xulayo. Tababar adag oo lix bilood ilaa sannad ah ayey maraan, waxaana ku jira in la lugeeyo masaafo aad u dheer oo boqolaal kilo mitir ah” ayaa lagu yiri warbixin ay soo xigatay jariidadda The Star ee ka soo baxda Kenya.

Madaxda Kooxdan hogaaminaysay ayuu wargaysku sheegay inay kala ahaayeen Amir Ramzi, Habib Karongo, Axmed Iimaan Cali, iyo Macallin Ayman.

Dawladda Soomaaliya ayaa kal hore sannadkii 2023 shaacisay in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay 10 malyan oo dollar ayadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta ee Kenya bishii Janaayo 2020.

Weerarkii Manda Bay

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa waqti waaberigii ka hor ah weeraray xerada ciidanka circa ee Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle oo u dhashay Mareykanka oo la shaqeynayay Wasaaradda gaashaandhigga Kenya.

Muuqaal ay weerarka ka dibs ii daayeen Al-Shabaab ayuu afhayeenkooda ku sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Xerada Manda Bay waxa ay qeyb ka tahay saldhigyada militeriga Kenya ee ay ka shaqeeyaan ciidamada Mareykanka oo ku sameeya tababarro ku saabsan la dagaallanka argagixisada. Waxa ay tallaabadaasi qeyb ka tahay caawinaadda uu Mareykanku siiyo dalalka uu saaxiibka la yahay eek u yaalla Bariga Afrika.

Al-Shabaab oo saldhiggeedu yahay Soomaaliya ayaa ka mid ah kooxaha hoos taga ururka Al-Qaacida, waxa ayna gobolka hora yuga fuliyeen weerarro khasaare badan geystay.

Mareykanka ayaa Al-Shabaab ku daray liiska argagixisada bishii March ee sanadkii 2008.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -