Mareykanka iyo Britain ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan heshiis lagu dhimayo canshuuraha badeecadaha qaarkood Khamiista maanta ah waana heshiiskii ugu horreeyay tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu canshuuro ku soo rogay dalalka caalamka.
Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono shir jaraa’id Khamiista oo ku saabsan heshiis ganacsi oo weyn oo lala yeesho wakiilo ka socda waddan weyn oo aad loo ixtiraamo.
Afhayeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu bixin doono cusboonaysiinta wadahadallada ganacsi ee Mareykanka iyo UK gelinka dambe ee Khamiista maanta.
Laba qof oo Ingiriis ah oo xaaladda la socda ayaa sheegay in nuxurka heshiiska la shaacin doono.
“Maraykanku waa xulafo aan looga maarmin dhaqaalahayaga iyo amniga qaranka labadaba,” afhayeen u hadlay Downing Street ayaa yidhi.
“Wadahadallada ku saabsan heshiiska wadamadeenu waxay ahaayeen kuwo si xawli ah u socday, Ra’iisul Wasaaruhuna gelinka dambe ee maanta ayuu warbixin ka soo saari doonaa”ayuu mar kale yiri afhayeenka
Sarkaal British ah ayaa sheegay Talaadadii in labada dhinac ay ka shaqeynayaan in ay ku heshiiyaan kootada tacriifada hoose – qayb dhoofinta ah oo ku xiran canshuuraha hoose – ee birta iyo baabuurta, laba qaybood oo ay ku dhaceen 25% canshuuraha Mareykanka.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM