Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Danjire Richard Riley iyo Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa taageerada agabka ee maanta la guddoonsiiyay Ciidamada Kumandoosta Danab, taasoo si weyn kor ugu qaadaysa xirfadohooda howlgal ee la-dagaallanka argagixisada, kana caawinaysa kordhinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka ee wax ka qabashada caqabadaha amniga dalka.
Iskaashiga xooggan ee labada dal wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta awoodda ciidankeena, sare u qaadista isla xisaabtanka, iyo gaaridda isku filnaanta amni.
