HomeWarkiiMareykanka oo duqeymo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay deegaanada Jubaland

Mareykanka oo duqeymo ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay deegaanada Jubaland

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka gaar ahaan taliskooda Afrika ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku dhaw  magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday Deegaan waqooyi-galbeed kaga beegan Kismaayo qiyaastii 40 KM halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano Alshabaab ka tirsan.

Kooxahaan xaga cirka laga weeraray ayaa waday isku dayo ay ku   qorsheynayeen fulinta weeraro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegeen talisyada Somalia iyo Mareykanka oo iska kaashaday howlgalkaani si ay uga hortagaan qorshahaasi alshabaab.

Dowlada Somalia oo warsaxaafadeed ka soo saartay duqeymahaan ayaa sheegtay  in howlgalkaan laga fuliyay deegaanada ku dhaw Kismaayo uub qeyb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo xoogaga Al-Shabaab

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -