HomeWarkiiDowlada Somalia oo ka hadashay aaskii maanta ee G/Dhexe Cabdi Salaad Xujaale

Dowlada Somalia oo ka hadashay aaskii maanta ee G/Dhexe Cabdi Salaad Xujaale

Muqdisho, 21 May 2025: Taliyihii Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.
Salaadda janaasada Marxuumka waxaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga uga qeyb galay: Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullahi Timacadde, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senatarro, Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, masuuliyiin kale, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyo ehelada marxuumka.
Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday Taliye Xujaale gudaha Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kale salaad janaaso qaa’ib ah loo tukaday dhammaan shuhadada Ciidanka Xooga iyo Xoogaga Macawisleyda ee ku naf waayay dagaalka lagu ilaalinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo noloshiisa iyo awooddiisa u hibeeyay difaaca Qaranka.
Wuxuu ahaa taliye ku tilmaaman geesinimo, daacadnimo, iyo hoggaan toosan oo aan marna ka leexan safka hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyska marxuumka, ehelada dhammaan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Gashaanle Dhexe Xujaale.
Geeridiisu waxay dhiirigelin iyo awood dheeraad ah u tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kooxahaas oo maalmihii la soo dhaafay wajahayay jab iyo guuldarrooyin culus.
Dadaalka socda waa dariiqa kaliya ee umadda Soomaaliyeed ku gaari karto sharaf, karaamo iyo nabad waarta.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 12 peopleMay be an image of 9 people, hospital and textMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 8 peopleMay be an image of 9 people and daisMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, car and crowdMay be an image of 1 person, car and crowdMay be an image of 11 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -