War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa looga hadlay go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee u dhexeeyay Dowlada Faderaalka Somalia iyo Maamul Goboleedyada iyadoo Mareykanku si toos ah uga hor yimid.
Warkaan oo wasaarada arimaha dibada Mareykanku soo saartay waxaa lagu shaaciyay in natiija kasta oo aysan u dhameyn Maamul Goboleedyada uusan wax aqoonsi ka heleyn caalamka madaama uusan sharciyad ku fadhin.
Mareykanku waxay qoraalkooda ku xuseen in Dowlada Somalia looga baahan yahay go’aan loo dhan yahay oo dhamaan ay xaadir ku yihiin saamileyda siyaasada gaar ahaan guud ahaan maamul goboleedyada dalka.
Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika oo warkaani uu ka soo baxay ayaa tilmaamay in go’aamada aan loo dhameyn ay keeni karaan dhaawac xaga sharciyada ah.
Guud ahaan saamileyda siyaasada iyo dhamaan maamul goboleedada waa inay qeyb ka yihiin go’aan ka gaarista doorashooyinka Somalia iyo isbadalaa nidaanka faderaalka”ayaa lagu yiri warka Mareykanka ka soo baxay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM