WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mareykanku mar kale ku celiyay inay joojiyeen mushaar siinta ciidmaada kumaandooska Danab ee ka tirsan ciidamada Xooga Dalka.
Wararka ug dambeeya ayaa sheegaya in Aqal sare ee Senate-ka Baarlamaanka Maraykanka ku dhawaaqeen talaabada ay dhaqaalaha uga jareen Somalia gaar ahaan ciidamada Danab kadib markii si xun loo maamulay dhaqaalah ay ugu talo galeen Danab.
Mareykanku wuxuu adkeynayaa go’aankoodii ay dhamaadkii sanadkii 2024-kii ku gaareen inay joojiyaan qarashaadka kaga baxa Sooomaaliya.
Cashuur bixiyeyaasha Maraykanku ma sii wadi karaan in ay maalgaliyaan musuqmaasuq, guuldarooyinkaana waxa ka masuul noqonaya Ciidamada Danab ee Soomaaliya.” Sidaana waxa yidhi
Guddoomiyaha Gudiga arimaha dibadda ee Aqalka senate-ka Baarlamaanka Marayanka Senator Jim Risch ayaa masuuliyada xumida ku eedeeyay saraakiisha ciidamada Danab.
Waraka mareykanka ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi uu Caalamka ka dalbaday in lagu garab siiyo Dowlada dhaqaalaha iyo hubka ay Alshabaab kaga adkaan karaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM