War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika loona yaqaan (AFRICOM) ayaa lagu shaaciyay inay wax ka badalayaan habka ay kaga howlgeli jireen Somalia gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Taliska Africom wuxuu cadeeyay in isbadalka howlgalkooda uu kow ka yahay inay hada kadib qarin doonaan natiijada duqeymaha ay u geystaan dagaalamayaasha Alshabaab xili ay awal howlgalada qaar dhaacin jireen natiijada.
Taliska Africom wuxuu intaasi ku daray sababta ay sidaas u yeelayaan inay tahay si loo ilaaliyo amniga howlgalka waa sida ay warka u dhigeen.
War-saxaafadeedkii ugu dambe ee AFRICOM waxaa laga reebay faahfaahinta la xiriirta khasaaraha alshabaab iyo walba kan soo gaara shacabka ka ag-dhaw deegaanada duqeymahu ku dhacaan.
Afhayeenka Howlgalka AFRICOM, Lt. Col. Doug Halleaux, ayaa laga soo xigtay inay ka joojinayaan si kumeel-gaar ah inay faafiyaan khasaaraha gaara Alshabaab madaama sida uu xusay Dowlada cusub ee Mareykanka ay hada darseyso hanaanka ay ku shaqeyn doonto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM