HomeWarkiiMareykanka oo Somalia u hanjabay hadii aysan ka laaban mamnuucida Paaspor-ka Taiwan

Mareykanka oo Somalia u hanjabay hadii aysan ka laaban mamnuucida Paaspor-ka Taiwan

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa si adag uga hadlay go’aanka Dowlada Somalia ay ku mamnuucday Pasapor-ka Taiwan iyagoona soo jeediyay Somalia degdeg uga laabato.

Labaaan Xildhibaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Tom Tiffany iyo Andy Ogles,  waxay warqad u direen safiirka Somalia ee Dalka Mareykanka u fadhiya Dahir Xassan Carab inkastoo safiirku wali ka hadlin arintaani.

Warqada waxaa ku cad dalabkoooda ku aadan in Dowlada Somalia ka laabato go’aankiisi hadii kalana ay cawaaqib xun kala kulmi karto taasoo ah hanjabaad toos ah.

Hanjabaadu intaasi kuma ekee waxay ku goodiyeen in go’aankaani uu saameyn karo Soomaalida ku sugan Mareykanka si gooni ah  kuwa haysta Temporary Protected Status (TPS) ,waxay intaasi ku dareen in dadkaani lagala laaban doono ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay hadii Somalia aaney degdeg uga laaban go’aanka ay ku joojisay Pasaporka Taiwan.

Inkastoo aan la ogeyn awooda xildhibaanadaani leeyihiin hadana waxayba si cad ugu hanjabayaan inay Soomaalida ka joojij doonaan helista viisooyinka Mareykanka,sidoo kale ay mamnuuci doonaan in basaborka somalia lagu galo Mareykanka.

Sidoo kale  Tom Tiffany iyo Andy Ogles waxay ku goodiyeen hakinta gargaarka mustaqbalka ee Mareykanku, waxay sidoo kale shaaciyeen in Somalia talaabadaani u qaaday cadaadis kaga yimid Dowlada Shiinaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMGOP Already Touting Opposition to Accepting Palestinian Refugees - Business  Insider

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -