=XIGASHO BBC SOMALI=
Horaantii todobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaalo ah ku qaadday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, taas oo jawaab u ahayd weerar khasaara badan dhaliyay oo ay mintidiinta ku qaadeen dalxiisayaasha Hindiya ee Kashmir laba toddobaad ka hor oo ay ku dhinteen 26 qof.
Hindiya waxa ay sheegtay in goobaha ay bartilmaameedsatay ay ahaayeen “kaabayaasha argagixisada,” iyada oo sharraxaysa in la beegsaday masaajidka Subhan Allah ee Bahawalpur, bariga Pakistan.
Maamulka Hindiya ayaa ku eedeeyay kooxda xagjirka ah ee la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed (JeM) inay masaajidka u isticmaalayeen xarun “qorista, diyaarinta milatariga, iyo tababarida fikradaha xagjiriinta.”
Hoggaamiyaha kooxda, Mascuud Azhar, oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay argagixiso, ayaa sheegay in weerarrada Hindiya ay ku dileen xubno badan oo qoyskiisa ah. Haddaba maxaan ka ognahay kooxda la mamnuucay ee Jaish-e-Mohammed iyo hogaamiyahooda?
Waa kuma Mascuud Azhar
Mascuud Azhar waxa uu caalamku u yaqaanaa xag-jir kaas oo ku kiciyay “Islaamiyiinta” adduunka oo dhan in ay geystaan ​​dil iyo falal kale oo argagixisanimo iyaga oo wata calanka “dagaal barakeysan”.
Azhar waxa uu dhashay1968-kii waxa uuna ka dhashay qoys diimeed oo ku nool Bahawalpur, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar iyo faylasuuf.
Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Culuumta Islaamka ee Karachi, oo ah magaalada ugu weyn Pakistan. Ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Banouria ee Xarunta Waxbarashada Diinta, waxaa loo magacaabay macalin.
Azhar waxa ay Afgaanistaan ​​kula dagaalameen mujaahidiin sanadkii 1989-kii, Tahir Hamid, oo ah kaaliye u dhow Masood Azhar, ayaa u sheegay Rasail al-Jihad, oo ah majalad jihaad doon ah.
Ka dib markii uu ka soo laabtay Afgaanistaan, wuxuu sii waday inuu ku baaqo rabshado meelo kale ka dhaca, oo ay ku jiraan Karachi, Hyderabad, Sukkur, Nawabshah iyo meelo kale.
Azhar wuxuu qoray maqaallo uu ku cabirayo aragtidiisa oo uu ku hurinayo colaadda jihaad doonka ah, wuxuuna bishii Janaayo 1990-kii daabacay cadadkiisii ​​ugu horreeyay ee majaladda bilaha ah ee “Sada al-Mujahid”.
Majaladdan ayaa la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelatay Xarrakatul Mujaahidiin oo la mamnuucay oo hadda la kala diray, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyadooda hubeysan ka waday gobolka Kashmiir, waxayna ka doodeen fikradaha Xarrakatul Shabaab.
Mascuud Azhar waxa uu qoray in ka badan 30 buug oo ka hadlaya Jihaadka Islaamka, Taariikhda Islaamka, Tababarka Jihaadka iyo Maamulka Jihaadka. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lagu dagaalamo Afgaanistaan ​​si
Mascuud Azhar waxa uu aaminsan yahay rabshadaha jihaad doonka ah ee caalamka waxa uuna booqday waddamada Hindiya, Bangladesh, Sacuudi Carabiya, Zambia, iyo UK, sida ay sheegeen qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa.
Sannadkii 1994-kii, waxaa lagu xiray Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal argagixisanimo.
Bayaan uu soo saaray isagoo xabsiga ku jira, Azhar wuxuu u sheegay sirdoonka Hindiya, sida ay sheegtay warbaahintu xilligaas, inuu u aaday Hindiya si uu u qiimeeyo suurtagalnimada “jihaadka” halkaas. Markii hore Bangladesh, ka dibna caasimadda Hindiya, Delhi, isagoo wata baasaboor Portuguese ah.
Magaca Azhar wuxuu caan noqday sanadkii 1995-tii, ka dib markii lix dalxiisayaal ajnabi ah lagu afduubtay Kashmir oo ay Hindiya maamusho; Afduubayaashii dadkaas ayaa dalbaday in Mascuud la sii daayo, taas oo dowladda Hindiya ay diiday.
Shan ka mid ah lixdii dalxiisayaasha ee la afduubay ayaa la rumeysan yahay in la dilay, halka mid ka mid ah uu u suurtagashay inuu baxsado.
December 24, 1999, diyaarad Air India ah ayaa la afduubay iyadoo ka soo duushay caasimadda Nepal ee Kathmandu, kuna sii jeeday Delhi.
Diyaaradda ayaa ku degtay magaalada Kandahar ee koonfurta Afgaanistaan, halkaasoo ay maamulayeen kooxda Taliban.
Ka dib, afduubayaashu waxay dalbadeen in Azhar la sii daayo si ay u sii daayaan 155 la haystayaal ah oo diyaaradda la socday.
Wadahadal dheer ka dib, waxaa la sii daayay labo kale oo kala ahaa Cumar Siciid Sheekh iyo Mushtaaq Zargar.
loo difaaco qiyamka Islaamka, sida ay sheegeen saxafiyiinta iyo khubarada.
Qaabkii xabsiga looga sii daayay markii Hindiya lagu xiray.