HomeWarkiiMashruuc laamiyo lagu dhisayo oo laga bilaabayo Baladweyne

Mashruuc laamiyo lagu dhisayo oo laga bilaabayo Baladweyne

Duqa Magaalada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday mashruuca dhismaha waddada Laamiga ah ee Beledweyne.
Munaasabadda saxiixa mashruucan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Wehliye, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka.
Mashruucan, oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, waxaa dadaal xooggan ku bixiyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, Duqa Magaalada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, iyo madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Hirshabeelle.
Labada shirkadood ee ku guuleystay dhismaha waddada Laamiga ah ee Beledweyne ayaa kala ah:
• Buruuj Construction Company
• Istaahil Construction Company
Istaahil Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo laami ah, kuwaasoo ka bilaabanaya Janta-Kundhishe kuna eg Garaashka Baradhada, halkaas oo uu ku ekaa dhismihii hore ee waddada Laamiga ah.
Buruuj Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo kale, kuwaasoo ka bilaabanaya Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-Wadaag ilaa Burjada Ceynta, taasoo wadarta guud ee wejiga koowaad ee mashruuca dhismaha waddada Laamiga ah ka dhigaysa 6 KM.May be an image of 3 people, people studying, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -