HomeWarkiiMasiibo ka dhalatay Dabaq dhismihisu ka socday Muqdisho oo sababay dhimasho iyo...

Masiibo ka dhalatay Dabaq dhismihisu ka socday Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

No description available.MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dabaq la sheegay inuu ka koobnaa 9 biyaano laga dhisayay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay arin masiibo ahayd kadib markii jaran jaran shubka loo isticmaalayay ay soo go’day xili ay saarnaayeen ilaa 20 shaqaalaha ka mid ahaa.

Sida ay sheegtay idaacada Dalsan 3 nin ayaa dhimatay in ka badan 10 kalana way ku dhaawacmeen masiibadaasi kuwaasoo dhamaantood ka mid ahaa shaqaalihii guriga ka shaqeynayay.

Jaran jarta soo go’day ayaa ah biraha la isku xirxiro ee dabaqyada Muqdisho lagu dhiso si loogu isticmaalo marka shubku socdo,waxaana birahaasi si isku xigxigta mid ba kan ka sareeya u istaaga shaqaalaha si ay isugu dhiidhiibaan sakeelada shubka lagu soo qaadayo xaga hoose si loogu shubo xaga sare ee la shubayo.No description available.

Guud ahaan waxaa soo go’day birihii nuucaas isugu xirnaa ee shaqaalaha ku safnaayeen hoos ilaa meesha ugu sareysa dabaqa, Allaha u naxariisto dhamaan inta ku dhimatay masiibadaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -